Wednesday, 17 July 2013

Saadaal Gabay



Gabaygaan Waa Gabayga ugu dhumucda wayn Suugaantayda, waxaana tiriyay mar aan safar aaday runtiina hawlo badan oo aan lahaa ay iisuurto gali waayeen, waxaa kaloo jira gabaygaani wuxuu taabanayaa meelo badan, wuxuuna quseeyaa dadkoo dhan, waayo qof kasta oo banii aadam ah waxbuu tabayaa.
Hadaba kabogasho wacan:
Fadlan hadii aad ka hesho gabaygaan micne ahaan iyo murti ahaanba Share dheh si uu uggaaro asxaabteeda kale mahadsanid:


>>>Gabay Saadaal<<<

"Sidaad adigu jeceshahay haday suurto galiwaydo
"Saadaasha guud iyo hadii sabanku kaahiisho
"Safarkii ad aadaba hadaad socod ka faa,iido

"Samaan adiga oo falay hadii siriq laguu qoolo
"Seedi iyo walaalkaa hadii saamax lagawaayo
"Sinji nimaad wadaagtaan haduu seefta kula goobo

"Sodoh iyo hadii habaryartaa saafi noqonwaydo
"Sodog iyo adeerkaa haduu kugusifaadaayo
"Sabigiyo caruurtaad dhashana saami wada doonto

"Sawjadaada khaaskaa haday siriq maleegayso
"Sabad jooga mooyee haday seegto noloshaada
"Subaxaadan saad hayn haday suuniyaha kuusto

"Saqda dhexe habeenkii haday seexashada diido
"Sabir iyo haday waano iyo sixitin soo dhaafto
"Sidaan doono iiyeel haday sawdka ku ekayso

"Saaxiibkii ad barataa haduu seed kukala gooyo
"Sirtii aad usheegtana haduu suuqa wada geeyo
"Seegseeg haduu kugu noqdoo saaqidnimo keeno

"Subxaana allah dunidaan arkaa wayba socotaaye
"Suurkii umbaa haray hadaan eegay sabankaane
"Sideebaa layeelaa aduun kuu saldhigi waayay?

War kajawaab dee kkkkkk

By: Nuradin Buryar Farah Gabay (Abwaan Bookh)

No comments:

Post a Comment